May oo noqonaysa ra'iisal-wasaaraha UK

Image

May ayaa noqonaysa ra'iisal-wasaaraha cusub ee BritainWasiirada arrimaha gudaha ee Britain Theresa May, ayaa la xaqiijin doonaa inay noqoto hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo ra'iisal-wasaaraha Britain.

Andrea Leadsom oo ahayd qofka kaliya ee la tartamaysa ayaa ka baxday tartanka, iyadoo sheegtay in ay danta Britain ku jirto in hogaamiye la doorto goor dhow, si loo bilaabo ka bixida Midowga Yurub. 

Xisbiga Conservative-ka ayaa tashanaya si ay ugu dhawaaqaan Theresa May inay noqonayso ra'iisal-wasaarihii labaad ee Britain oo dumar ah.

BBC

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM