​Maydka Maxamed Cali oo la geeyay Louisville

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Allaha u naxariistee, Maxamed Cali, ayaa meydkiisa la geeyay  magaalada uu ka soo jeedo Louisville ee isla dalka Mareykanka oo ah meeshii uu ku dhashay, waxaana maalinta Jimcaha lagu aasi doonaa halkaas.

Aaska Maxamed Cali Kalaay, ayaa u dhici doono qaab waafaqsan diinta Islaamka iyadoo ay ka qeybgali doona dad heysta diimo kala duwan.

Dhimashadiisa ayaa laga dareemay goobo badan oo Caalamka kamid ah waxaana tan iyo markii la shaaciyay inuu geeriyooda baraha bulshada iyo goobaha lagu kulmo lagu faafinayay taariikh nololeedkisa.

Kalaay ayaa ahaa Muslim aad ugu dhagan diinta Islaamka, wuxuuna meelaha fagaaraha ah ka faafin jiray diinta Islaamka isagoo aan ogolaan jirin in wax laga sheego.

Feeryahanka saddex mar ku guulaystay horyaalka Feerka culus ee dunida ayaa u geeriyooday cudur ka haleelay sambabada isagoo muddooyinkii dambe ahaa bukaan socod la ildaran canuunkaasi, lalleemo iyo codkoo xirmay.

Aaskiisa ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan boqolaal kamid hogaamiyaasha muslimiinta dunida.

ALLAHA U NAXARIISTO MAXAMED CALI KALAAY

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM