​Mayorkii hore Toronta oo geeriyooday

Image

Mayarkii hore caasumadda Canada ee Toronta Rob Ford ayaa ku geeriyooday magaladaasi isagoo jira da'da 46-aad, wuxuuna u dhintay Cancer ku reebay feex.

Qoraal ay soo dhigeen qoyskiisu barta Internetka gaar ahaan Facebook, ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa iyagoo dhimashadiisa ku sifeeyeen mid ay aad uga xumaadeen.

Ford, ayaa ahaa nin aad loo jecelyahay, waxaana waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah; in magalada Toronto kadhigay waqtigii uu Mayorka ahaa mid ay kuwada noolaan karaan bulsho kala duwan oo kala dhaqan ah, wuxuuna sidoo kale kor u qaaday sumcadda waddankaas.

Waxaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu ka qoslin jiray bulshada kahor intuusan xilkaasi qaban.

Caasumadda Canada, ayaa Rob wuxuu soo maamulayay sannadihii u dhaxeeyay 2010 ilaa 2014 wuxuuna ahaan mayarkii 64-aad ee magalada Toronto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM