Mdaxweynaha South Korea oo ku wajahan Pyongyang

Image

SEOUL - Madaxwayne dalka Kuuriyada Koonfurta Moon Jae-in, ayaa xaqiijiyay in hogaamiyayaasha sarsare ee ganacsiga ay raaci doonaan marka uu kulanka la yeelanayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Kulankan ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo toddobaadka soo socda uu qabsoom. Waa kulankii sadaxaad ee ay yeelanayaan madaxda labada Kuuriya iyada oo kulankii ugu horreeyay uu ka dhacay xadka labada dal.

Markii ugu horreysay waxa uu kulankani ka dhici doonaa caasimada Kuuriyada Waqooyi ee Pyongyang .

Tobonnaan kun oo qof ayaa lagu wadaa in wadooyiinka ay isugu soo baxaan si ay u soo dhaweeyaan madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed.
Saraakiil ka socota dowladda Kuuriyada Koonfureed ,shaqaale dhanka farsamda ah iyo wariyayaal ayaa lagu wadaa in ay maanta sii tagaan Pyongyang.

Mr Moon ayaa doonaya in Kuuriyada Waqooyi uu ku dhiirigaliyo in ay isaga talabaxdo barnaamijkeeda Niyukleerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa haddii ay faraha kala baxdo barnaamijkeeda Niyukleerka ay heli doontaan kaalmo dhaqaale sida ay Mareykanka iyo kuuriyada Koonfureed ballanqaadeen.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM