Meydka nin diyaarad ku dhuuntay oo laga heley London

Image

Booliska Britain ayaa baaraya dhimashada nin loo maleynayo inuu ka soo dhacay diyaarad oo meydkiisa laga helay saqafka sare dukaan ku yaal galbeedka London.

Waxaa loo maleynayaa inuu isku qariyay lugta hoosteeda duulimaad ka yimid Johannesburge, kuna socday garoonka diyaaradaha Heathrow.

Bishii september ee sanadkii 2012-kii ayuu nin u dhashay Angola (jose Matada) dhintay, markii uu ka soo dhacay diyaarad ka timid Luanda oo Heathrow ku socotay, isagoo ku dhacay waddo ku taal galbeedka London.

Baaris ayaa lagu dhageystay inay suurgal tahay inuu ku badbaaday heerka cimilada ee ka hooseeysay lix duulimaadkii 12ka saacadood ahaa, balse ay suurgal tahay inuu dhintay ka hor intuusan dhulka ku dhicin.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM