Midowga Afrika oo ciidamo u diraya dalka Nigeria

Image

February 1, 2015 (GO)- Madaxda dalalka Afrika ayaa isku raacay in 7,500 oo askari loo diro dalka Nigeria, si ay gacan uga siiyaan dowlada dalkaas dagaalka ay kula jirto kooxda xagjirka ah ee Boko Haram.

Madaxa Guddiga Amniga ee Midowga Afrika Samil Chergui ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in go'aankan lagu gaarey shir-madaxeedkii todobaadkii lasoo dhaafay hoggaamiyeyaasha Afrika ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon oo kamid ahaa martisharaftii ka qayb galay shir-madaxeedkii Afrika, wuxuu soo dhoweeyey tallaabada Midowga Afrika qaadey ee ciidanka loogu dirayo Nigeria.

Ban ayaa xusay in Boko Haram tahay halis aan layska indho tiri karin, taasoo khatar joogto ah ku haysa ammaanka dalka Nigeria iyo guud ahaan dalalka ku yaalla galbeedka qaarada Afrika.

Dhanka kale, Dowladaha Iran iyo Maraykanka ayaa ballan qaaday inay dalalka galbeedka Afrika gaar ahaan Nigeria ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Boko Haram oo xiligan gacanta ku haysa qaybo kamid ah waqooyi-bari Nigeria.

Weerarada Boko Haram, waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2009 ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof.

GAROWE ONLINE + AP

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM