Ciidanka Mareykanka oo iibsaday xogta apps Muslimiinta adeegsato

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa iibsaday qeybta lagu keydiyo macluumaadka goobaha ay dadka joogaan ee application-no ay ku badan yihiin Muslimiinta, sidda ay kashiftey warbixin cusub.

Jariiradda Motherboard ee reer Ameerika ayaa warisay in ay arrintaan ku xaqiijisay baaritaan ku saleysan su'aallo waydiin ah, codad dadweyne iyo wareysiyo lala yeeshay qaar kamid ah dadka soo saarey apps-kaas.

App-ka ugu caansan ee ciidamadda Mareykanka beegsadeen ayaa ah Muslim Pro kaasoo ka caawiya Muslimiinta Aadaanka, Waqtiga iyo Qiblada Salaada. Sidoo kale, waxaa laga dhageysan karaa Qur'aanka Kariimka.

Sidda ay muujineyso xog-uruurin ay sameysay majaladda afka dheer, app-kaan waxaa guud ahaan caalamka la degsaday 98 milyan jeer.

Intaas waxaa wehliya apps kale kuwaasoo Muslimiinta u adeegsadaan haasaawaha iyo in ay kula socdaan xogta duufaanadda.

Afhayeen u hadlay Taliska Howlgalada Gaarka ee Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay siyaasadooda ku aadan dabagalka iyo ka hortagida khataraha kaga soo fool leh dhanka argagixisada.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii daaraha mataanaha, Mareykanka ayaa hormuud ka ah la dagaalanka kooxaha argagixisada kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin shabakadda Al-Qaacida iyo maleyshiyadda Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM