​Mintidiin lagu dilay Tunisia

Image

Ku dhawaan 10 mintidiin islaami ah ayaa lagu dilay dalka Tunisia kadib markii ay weerareen saldhiga Boliis oo ku xadka waddankaasi la wadaago Liibiya sida ay xaqiijiyeen ciidamada ammaanka dalkaas.

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in dad rayad ah ay ku dhinteen weerarka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada dhinac isweydaarsadeen rasaas xooggan, kadib markii mallayshiyaadku so weerareen saldhiga oo ku yaalla  magaalada Ben Guerdan.

Ciidamada ayaa feejignaa xuduudda agteeda, kadib loo xaqiijiyay in mintidiin ka soo gudbayeen Libya tan iyo intuu Maraykanka weeraray xero ku taal dalkaas oo lagu tababaro kooxaha mayalka adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM