Mo Farah oo lagu dhibaateeyay dalka Jarmalka

Image

Orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ee dalka Ingiriiska uga qeyb gala ciyaaraha orodada ayaa sheegay in ilaalada garoon ku yaala dalka Jarmalka ay qashqashaadeen xili uu u safrayay dalka Itoobiya.

34 jirkan oo bisha dambe ka qeyb geli doono tartan ka dhici doono magaalada London ayaa bartiisa Instgram-ka soo dhigay muqaal muujinaya nin u muuqday ilaalada garoonka oo riixaya Mo Farah.

Afhayeen u hadlay Mo Farahan waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay shalay oo tallaado aheyd ka dhacday dalka Jarmalka, xili Mo Farah uu kusii jeeday Itoobiya, halkasi oo uu tababar ku qaadanayo.

Waxaa kale oo uu afhayeenka sheegay in dhacdadani mid ula kac ah, isla markaana si aan cadaalad aheyn loola dhaqmay Mo Farah

BBC-da ayaa isku dayda inay la xiriirto saraakiisha garoonka Munich, balse uma aanay suurtagelin inay jawaab ka hesho.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM