Mucaaradka Rwanda oo rabshado ka digay

Image

16 December, 2015(GO)-Hoggaamiyaha mucaaradka Rwanda ayaa weydiistay dadka dalkaas inay “Maya” ugu codeeyaan aftida khamiista iyo jimcaha laga qaadayo dalkaas, taasi oo madaxweyne Paul Kagame u ogolaan karta inuu markii saddexaad qabto xilka.

Mr. Kagame oo 58 jir ah ayaa hogaaminayey ciidamadii dhammeeyey xusuuqii Rwanda ee 1994-kii, waxaana uu xukunka ka tuuray xagjiriintii Hutu-ga. Waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Rwanda, waxaana uu madaxweynaha Rwanda noqday sanaddii 2000, markii uu madaxweynaha is-casilay.

Franka Habineza oo ah hoggaamiyaha iyo aas-aasaha xisbiga Democratic Green Party ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qabashada xilka madaxweyne oo lagu xaddido laba goor oo kaliya ay ogolaaneyso inuu soo baxo hoggaan cusub.
   
Haddii aftida la ansixiyo, waxa ay sharci ahaan u ogolaan doontaa in Mr. Kagame uu xilka qabto laba xilli oo kale oo min shan sano ah.

Habineza waxa uu sheegay in haddii Kagame uu ku adkeysto inuu xukunka sii hayo in taas ay dhallin doonto rabshado la mid ah kuwa ka socda dalka deriska la ah ee Burundi.

Xigasho: VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM