​Mudaharaad ka dhacay Maraykanka

Image

Mudaaharaadyo dhowr ah ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaasoo lagu diiddan yahay doorashada Donald Trump loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Dad ka xun doorashada uu kusoo baxay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, ayaa soo hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee magaalada New York, kuwaasoo diiddan siyaasadaha ninka ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow-naagga iyo xuquuqda dhalmada.

Banaanbaxayaal kale, ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo yar waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto.

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen 'ma aha madaxweynahayaga', kalmaddaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada.

Trump wuxu galinka dambe ee maanta la kulmi doonaa Madaxweyne Obama oo ku casuumay Aqalka Sare isagoo ugu hambalyeeyay guushiisa.

Arrintan ayaa timid kadib markii dadka soo galootiga ah ka walaacsanaayeen haddallo uu sheegay xilligii uu ahaa murashaxa kaasoo ku aadan sii joogistoo dalka Maraykanka.

Somalida ayaa kamid ah dadka ka cabsi qaba inuu sameeyo tallaabooyin uu ku dhaqaaqo marka uu xilka la wareego.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM