Muhaajiriin ay Soomaali kamid yihiin oo maxkamadeyn lagu bilaabay

Image

VALLETTA, Malta – Dowladda Malta ayaa la sheegay in bilowday in ay maxkamadeyso 18 muhaajiriin ah kuwaasoo ay qaar Soomaali yihiin. Shaqsiyaadkan waxay maxkamadda kasoo muuqdeen Jimcaddii lasoo dhaafay.

Sidda ay warisay saxaafadda, waxaa dhamaantooda loo haystaa rabshaddo Arbacadda todobaadkii hore ka dhacay magaaladda Hal Far halkaasoo la sheegay in ay ku waxyeeleeyeen hanti malaayiin Yuuroo ku kaceysa.

Soogalootiga oo la sheegay in ay maxkamadda ka hor-qirteen dacwadda lagu soo oogay ayaa kasoo kala jeeda wadamo ku yaala qaaradda hodanka ah ee kala ah; Mali, Ivory Coast, Somalia, Sudan, Guinea iyo Gambia.

Hasayeeshee, qareenkooda Martin Fenech ayaa ku difaacay in muhaajiriinta ay banaanbaxayeen isla markaana. Balse dacwad-oogeyaasha waxay ku doodeen in banaanbaxayaashu aysan dhibaato u geysan hanti.

"Maxkamadda waxay baahan tahay in ay kala saarto rabashado iyo banaanbax," ayuu Martin kusoo uruuriyey doodiisa difaacida qaxootiga.

Frendo Dimech, garsooraha maxkamadda, ayaa sheegay in xukunka lagu ridi doono shaqsiyaadkan ay ku qiimeyn doonan cadadka burburka hantiyadeed oo ay geysteen, wallow uusan muddeyn waqtiga xukunka.

Balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay muteysan karaan inta u dhaxeysa hal sano, saddex sano, 22 bilood ama afar sano oo xarig ah.

Malta ayaa kamid ah dalalka ku yaala qaaradda Yurub ee sidda weyn u soo dhaweeya magan-galyo-dooneyaasha Soomaalida kamid tahay, balse waxaa aad u adag shuruucdan qarankan taasoo dhibaato kala kulmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM