​Muhaajiriin lagu waxyeelleeyay Macedonia

Image

Ku dhawaad 300 oo ruux katirsan muhaajiriinta tagay xadka ay wadaagaan waddamada Macedonia iyo Giriiga, ayaa soo gaartay waxyeello kala duwan siday ku warantay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF.

Waxyeellada ugu badan ayaa dadkan kasoo gaartay sunta dadka ka ilmaysiisa oo ciidamada Boliisku isticmaaleen waqti ay doonayeen inay kala eryaan kumanaan tahriibayaal doonayay inay xadka ka tallaaban.

Sarkaal ka tirsan MSF ayaa sheegay in 200 oo muhaajiriin ah laga daweeyay dhibaato dhanka naqaska ah, halka 30 kale laga daweeyay dhaawacyo kasoo gaaray rasaasta cinjirka ah.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa dhaqxaan ku tuuray Boliiska iyagoo kadib markii laga hor istaagay inay dumiyaan darbiga la dhisay ee xadka ku yaalla.

Dabeyl halkaasi ka jirtay ayaa sababtay in sunta ay booliska adeegsadeen gaarto xero qaxooti oo ku taalla dhanka Giriiga oo ay ku noolyihiin 11 kun oo qof, kuwaasi oo halkaa ku xayiran tan iyo markii ay dalalka loo yaqaano Balkan ay xireen marinkii muhaajiriinta ugu gudbayeen waqooyiga Yurub.

Maaha markii ugu horaysay ee la baahiyo dhibaatada soo foodsaartay tahriibayaasha ka cararay waddamadooda kuwaas oo raadinaya nolol dhaanta muday ka tageen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM