Muhaajiriin Soomaali u badan oo lasoo badbaadiyey

Image

ATHENES, Greece – Saraakiisha ilaalada xuduudaha Giriiga ayaa xeeb ku taala Jaziirada Lesbos ka helay meydka hal nin soona badbaadiyey 27 ruux kale kuwaas oo u muuqda in ay doon kaga yimaadeen Yemen, sidda ay mas'uuliyiin.

"Waxaan badbaadiyey 11 rag ah, 15 dumar ah iyo cunug yar. Dhamaantooda way caafimaad qabaan," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha kaasoo intaas ku daray in ay tuhunsan yihiin muhaajiriintan ay gabigooda kasoo jeedan Soomaaliya.

Giriiggu wuxuu safka hore kaga jiraan dalalka dhibaatooyinka kasoo gaareen tahriibka 2015-2016 markii boqolaal kun oo dad ah ay isticmaaleen Lesbos, oo dhowr mayl u jirta xeebta Turkiga, iyo jasiirado u dhow waqooyiga Aegean Sea oo ah halka ugu weyn ee laga soo galo Yurub.

Qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Giriiga ayaa hoos u dhacay 80% sanadkii hore marka la barbardhigo 2019.

Laakiin in ka badan 15,000 ayaa ku yimid badda iyo berriga, sidda ay muujisay warbixin kasoo baxday hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR. Ayadda oo lagu jiro xilliga qaboobaha, qaar ayaa isku dayaya marin biyoodka halista badan Doomahana ka soo raaca dalka Turkiga.

Turkiga ayaa martigaliyay in kabadan seddex milyan oo qaxooti iyo muhaajiriin ah iyo in kabadan 90,000 ayaa sidoo kale ku sugan Griiga, intabadan waxay daganyihiin xeryo ciriiri ah waana mid ay ku qasban yihiin inta laga aqbalayo codsiyadooda magangalyada.

Arrinta ayaa mar kale soo ifbaxday bishii Sebtember ka dib markii xero ku taal Lesbos uu dab baabi'iyay, taas oo tobanaan kun oo magangalyo-doon ah ka dhigatay hoy la'aan.

Athens ayaa xustey in jasiiradaha Lesbos, Samos, Chios, Leros iyo Kos ay xilliga dayrta ka dhiseyso xarumo qaabilaad cusub oo si fiican u qalabeysan waxayna soo koobeysaa mudada joogitaanka ugu badan ee xerooyinka jasiiradeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM