Muhammadu Buhari oo hoggaaminaya doorashada Nigeria

Image

March 31, 2015 (GO)- Natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtinimada dalka Nigeria ayaa muujineysa in uu ku horreeyo hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Muhammadu Buhari.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashada ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la tiriyey codadka 19 kamid ah 36da gobol ee dalka Nigeria ka kooban yahay.

Inkastoo natiijada kasoo baxdey gobolladaasi aad isugu dhow dahay, waxaa hadana labo milyan oo cod ku hoggaaminaya Muhammadu Buhari.

Murashaxa hela tirada codadka ee ugu badan iyo ugu yaraan 24% codadka 25 gobol oo kamid ah 36da gobol ee dadku ka kooban yahay ayaa doorashada ku guuleysan doona. Haddii labada murashax midkoodna intaas heli waayo doorashadu waxay yeelaneysaa wareeg labaad.

Gobollada Buhari codadka ugu badan ka helay waxaa kamid ah: Oyo, Kogi, Kwara, Katsina, Kaduna, Osun, Kano, Jigawa iyo Ondo.

Sidoo kale Madaxweyne Jonathan ayaa isna ku guuleystey gobollada: Nasawara, Ekiti, Enugu, Abia, Imo, Akwa Ibom, Plateau iyo Anambra.

Natiijada kama dambeysta ah ee doorashada waxaa la shaacin doonaa 10:00AM ee waqtiga Abuja.

Ammaanka guud ee dalka Nigeria ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana jirta cabsi laga qabo in rabshado bilowdaan marka la shaaciyo natiijada doorashada.

Labada murashax ee loollanka xooggani ka dhexeeyo (Jonathan iyo Buhari ) oo kala meteleya bulshooyinka muslimka iyo Chrisitan-ka ee dalkaas wada dega ayaa ballan qaaday inay aqbalayaan natiijada doorashada si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dhiig ku daato.

Rabshado ka dhashay doorashadii ugu dambeysey oo dhacdey sanadkii 2011 waxaa sida Qaramada Midoobey sheegtay ku geeriyoodey in ka badan 800 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM