​Muran ka dhex taagan Mucaaradka UK

Image

Cod bixintii shacabka UK u qaadeen inay ka baxaan Midowga Yurub maalintii Khamiista, ayaa muran xoogan ka dhex kicisay xisbiga mucaarka dalkaasi ugu wayn ee Labour-ka.

Waxaa laga dhur sugayaa inay xilka baneeyaan xubnaha xukuumadda daah-kujirka ah ee mucaaradka oo loo yaqaano (shadow cabinet).

Masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa cadeeyay in Jeremy Corbyn oo ah hogaamiyaha Labour-ka uusan raali ka ahayn in Britain ka sii mid ahaato qaarada Yurub, taasina ay shacabka dalkaasi ku kalifatay inay u ceedaay ka bixitaanka Midowga.

Hilary Benn oo ahayd u qaabilsanaha xisbiga Labour-ka arimaha dibada ayaa waxaa xilkaasi ka qaaday hogaamiyaha xisbigani Jeremy Corbyn.

Benn ayaa ku taliyay in  mooshin laga keeno hogaamiyaha xisbiga Jeremy Corbyn, maadaama uusan raali ka ahayn in dalwaynaha UK kamid ahaa midowga Yurub, taasina ay sababtay in masuuliyadi laga xayuubiyo Hilary Benn.

Xisbiga mucaarka ah ee Labour-ka ayaa u ololeynayay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM