Muran ka taagan nolosha hogaamiyaha Daalibaan

Image

Xaaladda hoggaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansour ayaan weli caddeyn, laba maalin kadib markii mas’uuliyiinta Afghanistan ay sheegeen in lagu dhaawacay dagaal dhacay, intii uu socday kulan ay taliayayaasha mintidiintan ku lahaayeen dalka Pakistan.

“Hoggaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansour, waxaa uu u geeriyooday dhaawacyo” Sultan Faizy oo ah afhayeenka madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Afghanistan ayaa sidaas soo dhigay twitter khamiistii.

Faizy ayaa arbacadii ku wargeliyey warbaahinta, oo ay ku jirto VOA, dagaalka la tuhunsan yahay inuu ka dhacay magaalada ku taalla Koonfurta Galbeed ee Pakistan ee Quetta.

Daalibaan ayaa diiday warkaas, ayada oo sheegtay inay yihiin kuwa ay abuureen sirdoonka dalka Afghanistan, taasi oo qeyb ka ah olole lagu kala qeybinayo kooxda.

Goor dambe oo khamiistii ahayd, Madaxa fulinta Afghanistan Abdullah Abdullah ayaa war qoraal ah khamsiistii ku sheegay in dowladda Afghanistan ay si rasmi ah u xaqiijin karto in hogaamiyaha Daalibaan Mullah Akhtar Mansour lagu dhaawacay isku dhac ka dhacay meel u dhow Quetta, balse aysan garneyn inuu geeriyooday iyo in kale.

Si kastaba illaa iyo hadda ma cadda xaaladda Mullah Akhtar Mansour iyo inuu geeriyooday iyo in kale.

VOA

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM