Muslimiin lagu dilay weerar gaari oo ka dhacay Canada

Image
Image
Image
Image
Image
Image

TORONTO, Canada - Afar qof oo kasoo jeeda qoys Muslim ah ayaa lagu dilay weerar gaari "oo la qorsheeyay" Axadii, sida uu xaqijiyey taliska booliska dalka Canada oo warbixin kasoo saarey falkaas, iyaddoo lagu dhawaaqay sadex maalmood oo loogu duceynayo marxuumiinta oo kala ah; 74-jir, 44-jir, 46-jir iyo da'yar 15-jir ahaa.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada London, ee gobolka Ontario. Wiil sagaal jir ah, oo ah qofka kaliya ee ka badbaaday qoyska, ayaa ku jira cisbitaalka isaga oo qaba dhaawacyo culus.

Nin 20 jir ah oo u dhashay Canada ayaa lagu soo oogay afar dacwadood oo dil ah iyo hal dambi oo isku day dil ah. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee lala beegsado Muslimiinta Kanada tan iyo markii lix qof lagu dilay masaajid ku yaal magaalada Quebec sanadkii 2017-kii.

"Waxaa la rumeysan yahay in loo dhibaateeyay loona bartilmaameedsaday in ay kaliya ahaayeen Muslimiin," ayuu yiri Paul Waight, kormeeraha Guud ee Adeegga Booliska London oo shir jaraa'id qabtay Isniintii.

Bilayska ayaa, sida uu ka dhawaajiyey Paul, wuxuu miisaamaya eedaymaha argagixisanimo ee suurtagalka ah, isaga oo intaa ku daray in la rumaysan yahay in weerarkan uu salka ku hayo dambi nacayb.

Ciidamadda ayaa ku sheegay ruuxa weerarka lagu eedeeyay Nathanial Veltman, 20 jir, kana soo jeeda magaalada London, Ontario. Waxaa laga qabtay iyadoon wax dhibaato dhicin xarun laga dukaameysto oo qiyaastii 6km (4.8 mayl) u jirta goobta fal dambiyeedka. "Wali lama oga inuu xiriir la leeyahay kooxaha nacaybka qaba," ayuu yiri Waight.

Ra'iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, oo sheegay inuu "ka argagaxay" weerarka, ayaa ku tilmaamay "ficil nacayb", wuxuuna sheegay in murugada la wadaagayo qoysasa dhibanayaasha, oo uu ku jiro wiilka yar ee badbaaday

"Bulshada Muslimiinta ah ee ku nool London iyo Muslimiinta ku nool dalka oo dhan, ogaada in aan idin garab taaganahay. Islaam nacayb meel kuma laha bulshooyinkeenna midkoodna. Nacaybkani waa mid dhagar ah oo la naco - waana in la joojiyaa," ayuu Trudeau ku soo qoray Twitter-ka.

Weerarka ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerarada Islaam naceybka ah ee ka dhaca gobolada dalka Canada oo dhan waxaana si balaaran loogu baaqayaa maamulada inay wax ka qabtaan cunsuriyada, rabshadaha ku saleysan naceybka iyo baahsanaanta kooxaha midigta-fog oo khatar weyn u ah ammaanka Muslimiinta.

Tirkoobka Kanada ayaa muujinaya bishii Maarso in dambiyada salka ku haya naceybka ee booliisku soo gudbiyeen laguna bartilmaameedsaday Muslimiinta ay "wax yar u kaceen" iyaddoo lasoo wariyey 181 dhacdo 2019 - waana sanadkii ugu dambeeyay ee xogtaas la heli karo, halka xagaagii tagay ee 2020 la tabiyey 166 dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Iran oo digniin culus u dirtay Israa’iil

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa ka jawaabay hanjabaada maamulka Israa'iil.

  • Caalamka

    16-04-2024

  • 12:49PM

Sacuudi Carabiya oo dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Qaramada Midoobay

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay inuu jiro "khilaaf sii kordhaya" oo u dhexeeya labada waddan.

  • Caalamka

    16-04-2024

  • 09:02AM