Mustaqbalka Madaxweynaha South Africa oo mugdi ku jira

Image

Johannesburg - Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa si rasmi ah uga dalbaday madaxweyne Jacob Zuma inuu is casilo. Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ka dambeysay markii uu madaxweynuhu mar sii horreysay diiday inuu is casilo.

Go'aankan ah in xilka laga qaada madaxweynaha ayaa ka dambeeyay kulan ilaa saaka aroortii socday oo ay lahaayeen masuuliyiinta xisbiga.

Haddii Zuma oo 75 sano jir ah uu diido baaqa xisbigiisa, waxaa laga yaabaa in loo qaada codka kalsoonida waxayna u badan tahay inuu wayn doono.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Mr Zuma uu oggoladay in uu iscasilo, balse uu dalbaday in muddo saddex bilood ah uu xafiiska sii joogo.

Wuxuu xilkan hayay tan iyo sanaddii 2009, waxaana tan iyo marakaasi hareeyay madaxweynaha eedeymo musuqmaasuq ah.

Mab'da ahaan wuu iska dhagatiri karaa dalabka xisbiga ee ah in uu xilka ka dago , balse taasi waxa ay horseedi kartaa in codka kalsoonida ay u qaadaan baarlamaanka taasi oo caddayn karta kala qaybsananta xooggan ee xisbiga dhexdiisa.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhankooda u arka jahwareerka ka dhex jira ANC in uu yahay mid aa micno badan ku fadhin.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Economic Freedom Fighters horeyna u ahaa hogaamiyaha garabka dhalinyarada ee ANC Julius Malema, ayaa kulanka saraakiisha xisiga ANC ay yeesheen ku tilmaamay mid aan faa'ido lahayn.

Waxa uu ku eedeeyay xisbigiisi hore in ay isku dayayaan in ay badbaadiyaan nidaam musuqmasuq .

Hogaamiyaha xisbiga kale ee mucaaradka ee Democratic Alliance, Mmusi Maimane, ayaa dhankiisa ku eedeeyay xisbiga ANC in aysan dhab ka ahayn dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

Madaxwaynaha Koonfur Afrika ayaa waxa uu wajahayaa dacwado la xiriira musuqmaasuq waxa uuna in muddo ah ku adkaysanayay mowqifkiisa ah in uusan xilka ka dagin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo ku yiri Madaxweynaha Iran: Ku xadgudubka Hawada Turkiga ma lahan wax cudurdaar ah

Erdogan ayaa sidoo kale ku celiyay tacsida uu u diray geerida Khamenei, wuxuuna muujiyay rajada ah in doorashada Mojtaba Khamenei.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 07:31PM

Turkiga oo Gantaaladda Patriot ee Mareykanka Rakibtay si uu uga Gaashaanto Khatarta Iran

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga uu la leeyahay xulafadiisa NATO.

  • Caalamka

    10-03-2026

  • 08:25AM