Muwaadiniin Soomaali ah oo xilal sare ka qabtey dowladda Ingiriiska

Image
Image
Image
Image

LONDON - Majid Majid oo ah wiil asalkiisu Soomaali yahay kana soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa wuxuu galay taariikhda dalka Britain kadib markii loo doortay Duq Sharafeedka Magaalada Sheffield ku yaala Koonfurta dalka Ingiriiska.

Wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga dhanka bidix ay ujaranteerto siyaasadiisa ee Green Party, isagoona noqday shaqsigii ugu da’da yaraa ee Xisbigaan ka tirsan ee loo doortey Jagadaan. Sidoo kale, wuxuu noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah ee xilkaan loo magacaabo.

Majid oo wadanka Ingiriiska ku yimid Qaxootinimo ayaa waxaa qoyskiisa ay kasoo baxeen xero barakac oo ku taalo dalka Itoobiya, ka hor inta aysan kasoo bixi magaalada Burco markaasoo uu ahaa 5-sano jir, wuxuuna waqti xaadirkaan uu yahay 28-sano jir.

Isagoo ka hadlayey madashii lagu caleemo-saarey isbuucaan ayaa wuxuu sheegay Majid uu ku farax-san yahay xilkaan cusub oo uu qabtay, wuxuuna balanqaaday inuu ugeedi doono guud ahaan Shacabka ku nool Magaalada uu Duqa ka noqday.

Geesta kale, Kaltumo Cusmaan oo ku magac dheer Kaltuum Baande ayaa waxay iyadana ay isla degmadaan ka noqotay Xilldhibaan Golaha Deegaanka ah, iyadoona noqoneysa Haweeneydii ugu horeysay ee Jagadaan ku guuleysatay.

Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxay si diiran usoo dhaweeyeen xilalkaan cusub ay qabteen labadaan shaqsi waxayna kula dar-darmeen inay si gaar ah isha ugu qabtaan dhibaatooyinka haysatay Bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Soomaalida xilalka ka qabanaya dalalka caalamka ayaa waxay noqonayeen mudooyinka dambe kuwa isa sootaraya, taasoo muujineysa in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa meel walba oo ay tagaan saameyn bulsho, dhaqaale iyo mid hogaamineed ku yeesha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM