Muwaadiniinta Maraykanka oo looga digey inay Sucuudiga u safraan

Image

March 15, 2015 (GO)- Sababo ammaan dartood ayaa loo xirey saddex kamid ah qunsuliyadaha safaaradda Maraykanka ee dalka Sucuudiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaaradda, waxaa lagu sheegay in maalmaha Axadda iyo Isniinta (March 15-16) aysan shaqeyn doonin qunsuliyadaha magaalooyinka Riyadh, Jeddah iyo Dhahran.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale digniin loogu jeediyey muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan gudaha dalka Sucuudiga kuwaasoo loogu baaqay inay yareeyaan dhaq dhaqaaqooda feejignaan dheeri ahna qabaan.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku waxay ku boorrineysaa muwaadiniinta Maraykanka ah inay taxadar dheeri ah ka qabaan khatarta ka dhalan karta u safridda dalka Sucuudiga iyo in ay xadidaan safarrada aan daruuriga ahayn ee ay dalkaas dhexdiisa ku marayaan" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Muwaadiniinta Maraykanka ah waxaa sidoo kale loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha dadku isugu yimaado sida: goobaha lagu caweeyo, suuqyada iyo boosteejooyinka laga raaco basaska iyo tareenada.

Dalka Sucuudiga ayaa ah dalka shidaalka ugu badan ka iibiya Maraykanka, waxaana jira xiriir diblumaasiyadeed oo xooggan iyo iskaashi dhanka militeriga ah oo ay labada dhinac leyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM