​Natiijada doorashada Uganda oo la shaacinayo

Image

Waxaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah ee doorashada dalka Uganda, sida laga soo xiganayo guddiga doorashooyinka oo sheegay in Sabtida 20 Febraayo 2016 tahay waqtiga u dambaysa ee la shaacinayo maxsuulka doorashada. 

Laakiin, waxaa dalkaasi ka taagan muran xooggan oo ku aadan doorashadii dhacday Khamiistii 18 Febrayo, kadib markii xabsiga la dhigay hogaamiyaha ugu caasan muhaaradka Kizza Besigye, kaasoo xabsiga loo taxaabay kadib markii uu isugu yeeray warbaahinta. 

Xarigga hogaamiyahan markii 3aad toddobaadkan la xiray, ayaa ka dhashay banaanbaxyo xooggan oo ay dhigeen taageerayaashiisa,  kuwaasi oo isugu yimi wadooyinka waaweyn ee Kampla. 

Booliska oo sidoo kale xiray saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga FDC, ayaa saaka shaaciyay inay sii daayeen murashaxa la xiray kadib markii muddo saacado ah xabsiga lagu hayay, waxayna cadeeyeen inu hadda kusuganyahay gurigiisa. 

Lama saadaalin karo natiijadan inay noqon doonto mid ay ku qancaan murashaxiinta mucaaradka, maadama ay dhaliileen qaabka wax loo maamulay, waxaana hogaamiyaha 71 sano jirka ah Yoweri Museveni, ku eedeeyeen inuu kordhisanayo waqtiga dheer ee dalkaasi ka talinayay. 

Waxaase hubanti ah in codadkii la tiriyay boqolkiiba lixdan ku horeeyay Museveni, waana tan keentay in Besigye saxaafadda isugu yeero waloow Boliisku ka hortageen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM