Natiijada tijaabo kale uu Donald Trump u maray Covid-19 oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump ayaa laga waayey Covid-19, mana jirto cid kale oo uu qaad-siiyey, sidda uu sheegay dhakhtar Aqalka Cad. Qoraalka wuxuu xusay Madaxweynaha Mareykanka uu caafimaaday caabuqa faafa.

"Waxaan idinla wadaagi karaa in laga waayey, maalmo isku xig-xigay, iyaddoo la adeegsanayo habka cusub ee baaritaanka fayruska," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo Isniintii kasoo baxay hoyga looga arimiyo dalka Mareykanka.

Dhakhtarka ayaa ku adkeystay in shaacintan aysan ahayn mid lagu deg-degay balse ay daaran tahay tijaabooyin dhowr jeer ay sameeyeen.

Ku dhawaaqistan ayaa kusoo hagaageysa xilli Trump uu u socdaalay magaalada Sanford ee gobolka Florida halkaasoo uu kaga qeybgalayo isu soo baxii ugu horeeyay tan iyo markii uu soo ritay safmarka Coronavirus.

Conley oo aan shaacin waqtiga la baarey Trump ayaa ku adkeystay in ay raaceen habraaca saxda ah taasoo muujisay "in madaxweynuhu la nooleyn".

Bishaan October 2-deeda, Trump ayaa ku dhawaaqay in laga helay Covid-19. Isbitaalka milatariga ee Walter Reed oo la dhigay wuxuu kasoo baxay 5-ta October. Kadib markii uu soo baxay, wuxuu ku laabtey Aqalka Cad.

Dhamaadka todobaadkii hore, wuxuu banaanka Aqalka Cad kula kulmay taageereyaashiisa isagoo kasoo hadlayey balakoonka. Dadka naqdinaya waxay ku dhaliileen in uu dhayal-sanayo cudurka uuna halis gelinayo shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM