NATO oo ka hadashay haddii Scotland ka go'do UK

Image

Xog-hayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Scotland aysan si degdeg ah ku noqon doonin xubin ka tirsan xubnaha kamidka ah xulufada milatariga Yurub.

Isagoo ku sugan Brussels kana hadlaya xaalka u dhexeeya  Glasgow & London wuxuu yiri, "Haddii Scotland u codayso inay ka go'do UK taasi waxay la macne tahay inay Scotland ka baxday difaaca Yurub.

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, "Haddii Scotland ay ka go'do UK waa inay kasbataa aqbalaadda 28 waddan oo ka tirsan xulufada Yurub intaysan noqon waddan cusub oo kusoo biira NATO".

Wuu sii hadlay  oo wuxuu yiri, "Hadday dhacdo, waxay noqonaysaa inay UK wali kamid tahay xubin ka tirsan NATO, laakiin waddan gooni u taagan hadday noqoto waa inay soo codsadaan kamid noqoshada Yurub waana inay arrinkaas go'aan ka gaaraan dhammaan xubnaha NATO.

Wuxuu kalo intaa ku daray, "Dhammaan go'aamada NATO waxay ku dhisan yihiin wadatashi, marka waxaan u baahannahay inay xubnohoo idil kawada tashadaan".

Si kastaba xaal ha joogee, Scotland waxay xaal isaga mid yihiin qayb kamid ah dalka Spain oo mashaqo tanoo kale ah ka taagan tahay. Gobolka la yiraahdo Catalonia oo Spain ka tirsan ayaa isaguna wuxuu doonayaa inuu iskiis isku maamulo oo noqdo dowlad iskeed u taagan sida Scotland iminka doonayso.

Haddii Scotaland ay ka go'do UK waxay dhibaato ku noqonaysaa Yurub, sababtoo ah waxaa Scotland ku yaala goobo difaac oo ay yaallaan Nueclear.

Sidoo kale UK hubkeeda Nueclearka ee dhooban meel u dhow Glasgow waxay noqon doontaa inay daad-gureeyaan, waana arrin culayskeeda leh.

Maxamed Jaamac Faarax Oslo, Norway. Mjfaarah@gmail.com

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM