​NATO oo qirtay inay shacab ku dishay Afghanistan

Image

Isbahaysiga NATO ayaa qirtay inay dad shacab ah ku dileen weerar ka dhacay waqooyiga dalka Afghanistan Bishii November sanadkii 2016.

NATO ayaa sheegtay inay samaysay baaritaan la xirira weerarkaasi  oo ay ka geysteen militariga Mareykanka meel ku dhaw magaalada Kunduz.

War qoraal ah oo kasoo baxay gaashaanbuurtaas ayaa lagu sheegay in weerarka cirka ah ay ku dhinteen 33 qof oo shacab ah, kuwaasi oo ay caruur kamid ahaayeen.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay Bishii November deegaanka Buz Kandahari, oo ku dhaw magaalada Kunduz, iyadoo bartilmaameedsanaya xubno katirsan Taliban.

NATO ayaa raaligelin ka bixisay geerida shacabka ee kasoo gaartay howlgalkaas, oo noqday midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii Reer galbeedka duulaanka ku qaadeen Afghanistan 2001.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM