Netanyahu oo markii 3aad isu karantiilay Covid-19 awgii

Image

TEL AVIV, Israeli – Ra'iisul wasaaraha Yahuuda, Benjamin Netanyahu, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu galay karantiil shaqsi ah ka gedaal markii uu xiriir la sameeyay qof kalkii dambe laga helay safmareenka Coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Tal Aviv ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu karantiilka ku jiri doono illaa Jimcada asbuucan iyadda oo isbedelka lagu saleyn doono xaalada soo baxda.

Netanyahu ayaa laba jeer – Axad iyo Isniin – maray tijaabo la xiriirta Covid-19, waxaana natiijadda ay noqotay mid laga waayey cudurka.

Fariin uu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku caddeeyay in uu dareemayo caafimaad taam ah kadib tijaabaddaaas.

Todobaatan iyo kow [71] jirkan ah ra'iisul wasaarihii ugu xilheynta dheeraa Israa'iil ayaa tan iyo markii cudurku dilaacay horaantii sanadkan haatan sii dhamaanaya ee 2020 wuxuu karantiil galay laba jeer.

Sidda ay muujineyso warbixinta Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO, mas'uuliyiinta Yahuuda ayaa diiwaan-geliyey in ka badan 357-kun kiisas Covid-19 ah, ku dhowaad saddex dhimasho ah iyo 237-kun soo kabasho.

Guud ahaan caalamka, kiisaska Covid-19 ayaa maraya ku dhowaad 73-milyan oo ruux, 47 milyan oo soo kabasho ah iyo 1.6 milyan dhimasho.

Inkasta oo lasoo saarey talaal la sheegay in looga hortagi karo, haddana waxaa calaamad su'aal ay ka taagan tahay in ay dadka oo dhan wada heli karaan maadaama qiimaha la iibinayo uu yahay mid aad u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM