Nigeria: hoggamiyaha Boko Haram oo beeniyey in la diley

Image

August 17, 2015 (GO)- Hoggaamiyaha Ururka Boko Haram, Abubakar Shekhau oo farriin cusub soo duubay ayaa beeniyey wararka sheegaya in uu geeriyoodey, isagoo xusay in xilliga tiisu gasho uu dhiman doono.

Farriin siddeed daqiiqo ah oo lagu baahiyey shabakadda internetka ayuu Hoggaamiyaha Boko Haram uga hadlay arrimo badan.

Waxyaabaha uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa hawlgalka ka dhanka ah kooxdaas ee Madaxweynaha Nigeria iclaamiyey, isagoo si jees jees ku jiro u yiri "riyo ayuu ku jiraa Mohamadu Buhari"

Hadalka Shekhau ayaa kusoo aadaya xilli bilihii u dambeeyey sheki weyn laga qabay geeridiisa, kadib markii la waayey warkiisa.

Dowladda Nigeria oo kaashaneysa qaar kamid ah wadamada deriska ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii loo wii qi lahaa awoodda Ururka Boko Haram.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM