Nin Boolis baadi-goobayeen oo Facebook kusoo Jawaabay

Image

Booliska West Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa cod-sadey in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen nin la sheegay inuu ka maqan yahay magaalada, kaasoo magaciisu ku sheegeen Leon Smith, oo 21-sano jir ah.

Laamaha amniga ma aysan faah-faahin sababta ay u baadigoobayaan ninkan, laakiin goor-dambe ayuu kasoo jawaabay warbixin ay ka qortay sheekadaan Daily Examiner, isagoona sheegaya inuusan ahayn mid lumay, laakiin uu yahay mid la ugaarsanayo.

“Aniga ma ahi mid lumay, ee waxaan ahay mid la doon-doonayo [La ugaarsanayo]. Waxay rabaan inay i xiraan. Ma garan kartaa xaqiiqada. Haka walwalina amaankeyga, waxaan ahay mid nabad-qaba. Booliska ha qabsadaan shaqadooda,” ayuu yiri ninkan.

Mar dambe, Booliska ayaa sheegeen inay soo qabteen ninkaan, islamarkaana uu hadda ku jiro Saldhiga, wallow aysan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiska lagu haysto iyo waxa uu salka ku hayo xarigiisa.

Wuxuu ku adkeystay Boolisku inuu kaliya u baqayo amaanka wiilkan dhalinyaradda ah, sidaas darteeda ay soo bandhigi doonan wixii xog ah ama macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kiiskiisa iyo sheekooyinka la xiriira.

“Boolisku waxay soo xireen, shaqsigii la doonayay, oo isaga isa soo dhiibay. Sidaas darteeda hada Saldhiga ayuu ku jiraa. Wixii macmuulaad dheeraad ah waan idin soo gudbin doonaa, Mahadsanidiin,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM