Nin Muslim ah oo guursaday gabar uu dhalay maalqabeenka Bill Gates

Image

NEW YORK, US – Nayel Nasser, oo u dhashay Masar, ayaa mehersaday Jennifer Gates, gabar uu dhalatay Bill Gates, ninka ugu taajirsan dunida.

Guurkooda ayay ku xaqiijiyeen fariimo kala duwan oo ay soo dhigeen barahooda bulshadda, todobaadkii lasoo dhaafay.

Inkasta oo xiriirkooda uu ahaa mid qarsoodi ah, haddana waxaa la sheegay in ay wada haasaawayeen muddo laba sano ah.

Warbaahinta Mareykanka oo sheekadaan aad u lafagurtay ayaa ku tilmaantay mid bilooyinka soo aadan abuuri doonto muran.

Maadaama ay caddahay in labadooda ay kala haystaan diimaha Islaamka iyo Masiixiga ah, haddana lama ogga hadii midkood uu tanaasulay.

Ma cadda goobta iyo qaabka uu u dhacay meherkooda, waana mid kamid ah arrimaha u baahan in ay si furan daaha uga rogaan.

Nasser, oo 29-jir ah, iyo Jennifer oo 23-sano jir ah, ayaa ka qalin jabiyey Jaamacadda Stanford, sidda ay wararku tibaaxayaan.

Jennifer ayaa ah gabadha ugu da'da qoyska Bill Gates, aas-aasaha shirkadda Microsoft iyo shaqsiga ugu taajirsan kownkaan.

Wallow aysan si shaac-baxsan uga hadlin, xaqiiqadu waa inay jecel-yihiin Isboortiga si gaar ah Nasser wuxuu dalkiisa ku metelay 2020 Tokyo Olympics.

Kaalinta 35aad ayuu kaga jaraa ciyaaraha caalamka. Kuwait oo qoyskiisu ku nool yihiin ayuu kusoo barbaaray. Hadda wuxuu degan yahay Chicago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM