Nin qorsheynayey inuu weeraro Aqalka Cad oo la qabtay

Image

Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xirtay nin la tuhunsan yahay inuu taageero kooxda Daacish, oo sida la tuhmayo qorsheynayey inuu gantaallada lidka taankiyada ku weeraro Aqalka Cad ee Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Hasher Jallan Taheb oo degan magaalada Cumming ee gobolka Georgia, ayaa wakiilada FBI-da waxay arbacadii ku xireen meel u dhow magaalada Atlanta.

Waxa uu wajahayaa dacwad federal oo ah inuu isku dayey inuu burburiyo ama waxyeeleeyo dhisme ay leedahay dowladda Mareykanka, isaga oo adeegsnayaa waxyaabaha qarxa.

FBI-da ayaa xirtay Hasher Jallan Taheb isaga oo isku dayay inuu baabuurkiisa waxyaabaha qarxa uga bedesho nin si qarsoodi ah ugu shaqeynayey FBI-da.

Baarayaasha ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin wax tilmaam ah oo muujinaya in Taheb uu ka tirsan yahay urur argagixiso.

Sida ay sheegtay dowladda, qof yaqaana Taheb ayaa booliska u dusiyey sanadkii tagey in Taheb uu noqday xagjir, islamarkaana qorsheynayey inuu safro.

Booliska ayaa kadib ku war-geliyey FBI-da, waxaana Taheb sida la tuhunsan yahay uu wakiil ka tirsan FBI-da oo qof kale isaga dhigay u sheegay inuu doonayo inuu iibiyo baabuurkiisa, si uu helo lacag uu ku aado dhulka ay maamuusho kooxda Daacish.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu wakiilka u sheegay inuu doonayey inuu weeraro Aqalka Cad, Taallada Statue Liberty, iyo Taalla Lincoln Memorial.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM