​Nin Somali ah oo weerar ka dhacay London loo xiray

Image

LONDON, Britain- Weerar Mindi loo adeegsaday ayaa xalay ka dhacay Russell Square, ee bartamaha London kaasoo uu gaystay nin Somali ah oo la sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanayo kaasoo iminka ku xiran saldhig ku yaalla caasimadda dalkaasi.

Ninka weerarka qaaday ayaa la sheegay inuu ka yimi dalka Norwey.

Khasaaro kala duwan ayaa arrintaasi ka dhashay, waxaana ku naf-waayay hal ruux oo ah haweenay 60 jir ah, halka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dhawr qof oo kale.

Duqa London Sadiq Khan ayaa shacabka ugu baaqay inay is-dajiyaan islamarkaana amniga sugistiisa laga qayb qaato.

Gudoomiye ku xigeenka boliiska ee hawlgalada gaarka ah, Mark Rowley, ayaa sheegay in qaybta boliiska ee qaabilsan dilka ay hogaaminayso baaritaanka weerarka, iyadoo taageero ay ka helayso qaybta ka hortaga argagixisada.

Paul O Geibheannaigh, oo degan meesha agteeda, ayaa sheegay inuu arkay maydka qofka dumarka oo jidka yaala, goobtana ay joogeen boliis badan oo hubaysan.

Majirto tafaasiil dheeri ah oo laga helayo weerarka oo xalay goor-dambe dhacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM