Ninkii diley wariyaasha oo dhintey

Image

27 August, 2015 (GO)-Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in la aqoonsaday shakhsigii ka dambeeayay dilka laba wariye oo shalay lagu diley Virginia xilli ay ku jireen tabin toos ah.

Ninkaasi oo lagu magacabi jirey Lester Flanagan ayaa gacantiisa isku diley.

Booliska deegaanka Franklin County ayaa xaqiijiyay geerida Flanagan, waxayna sheegeen inuu is diley ka dib markii uu xawaare ku soo galay jid gooyo ay dhigteen Booliska deegaankaasi.

Flanagan ayaa fariin qoraal ah oo u direy ABC news, waxa uu ku sheegey in lagula kacay Cunsuriyad isla markaana lagu tilmaamey inuu ka midyahay nimanka u galmooda ragga, taasi oo sabab u noqotey in shaqada laga cayriyo.

War ka soo baxay Aqalka  cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegey in arintaasi ka maqraati kacayso dhibaatada ay horseeday adeegsiga hubka sharci darada ah ee lagu dhex wato suuqyada mareykanka, waxaan loogu baaqay Congress-ka inuu soo saaro go'aamo hubka lagu mamnuucayo.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM