Obama: Daacish waa burcad, ma meteli karto Islaamka

Image

December 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in  Kooxda Daacish ay tahay koox shufto ah oon meteli karin Islaamka.

Obama oo aqalka cad ka jeediyey khudbad si toos ah telefishinada looga baahiyey, wuxuu sidoo kale xusay in dagaalka ka dhanka ah argagixisadu ahayn dagaal u dhexeeya Maraykanka iyo Islaamka.

"Looma baahna inaan isku jeedsano oon dagaalka ka dhigno mid u dhexeeya Maraykanka iyo Islaamka...taasi waa sida uu doonayo Ururka Daacish, ururkaasi ma ahan mid Islaamka metala waa koox burcad ah oo dadka disha" ayuu yiri Obama.

Dadka Maraykanka wuxuu ugu baaqay  in aysan muslimiinta ku faquuqin falalka ay kooxdaasi geysato.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Maraykanku dagaal dhulka ah la geli doonin Daacish, haseyeeshee uu adeegsan doono istaraatiijiyado kale.

"kama qayb qaadan doonno dagaal  dhulka ah oo muddo dheer kasii  socda Ciraaq ama Syria...duqeymaha cirka iyo tababarrada aan siino kooxaha dagaalka kula jira Daacish ayaa ah habab aan ku gaari karno guul"

Hadalka Madaxweynaha Maraykanka ayaa kusoo aadaya shan maalmood  kadib, weerar 14 qof ku dhinteen oo ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Weerarka oo lala beegsaday goob xafladi ka socotey, waxaa geystey Tashfeen Malik iyo Syed Rizwan oo ahaa lamaane muslim ah, kuwaasoo boolisku markii dambe toogasho ku dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM