​Obama iyo ku-xigeenkiisa oo booqday Orlando

Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo kuxigeenkiisa Joe Biden ayaa booqday magaalada Orlando ee Gobolka Florida, kaasoo dhawaan ka dhacay weerar lagu laayay 50 ruux oo ku jiray baar lagu caweeyo.

Booqashada mas'uuliyiinta ugu sarraysa dalka USA, ayaa ku saabsanayd sidii ay murugada ula qaybsan lahaayeen ehelada iyo shacabka ku dhaqan magaalada Orlando.

Labada hogaamiye, ayaa ubax dhigay goob la isugu keenay obaxyo cas cas iyo sawirro qaar kamid ah dadkii goobtaasi lagu laayay.

Hadallo ay jeediyeen Obama iyo Biden, waxay ku tilmaameen weerarkaasi midkii ugu xumaa ee dalkaasi soo maray iyagoo tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii lagu laayay baarkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa ku baaqay isku duubni iyo in si wada jir ah looga hortago falalkan oo kale.

Weerarka Orlando ayaa waxaa sheegatay kooxda ISIS iyadoo uu fuliyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Afghanistan kaasoo weerarka kahor labo jeed ay waraysteen ciidamada FBI-da.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM