​Obama iyo ku-xigeenkiisa oo booqday Orlando

Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo kuxigeenkiisa Joe Biden ayaa booqday magaalada Orlando ee Gobolka Florida, kaasoo dhawaan ka dhacay weerar lagu laayay 50 ruux oo ku jiray baar lagu caweeyo.

Booqashada mas'uuliyiinta ugu sarraysa dalka USA, ayaa ku saabsanayd sidii ay murugada ula qaybsan lahaayeen ehelada iyo shacabka ku dhaqan magaalada Orlando.

Labada hogaamiye, ayaa ubax dhigay goob la isugu keenay obaxyo cas cas iyo sawirro qaar kamid ah dadkii goobtaasi lagu laayay.

Hadallo ay jeediyeen Obama iyo Biden, waxay ku tilmaameen weerarkaasi midkii ugu xumaa ee dalkaasi soo maray iyagoo tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii lagu laayay baarkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa ku baaqay isku duubni iyo in si wada jir ah looga hortago falalkan oo kale.

Weerarka Orlando ayaa waxaa sheegatay kooxda ISIS iyadoo uu fuliyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Afghanistan kaasoo weerarka kahor labo jeed ay waraysteen ciidamada FBI-da.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM