​Obama oo ka hadlay arrimo ku saabsan Trump

Image

Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay inuu ka hadli doono haddii Donald Trump uu sameeyay waxyaaba liddi ku ah qiyamka bulshada Maraykanka marka uu xilka ku wareejiyo.

Mar uu hadal jeediyay kadib shirkii dhaqaalaha ee Asia-Pacific ee ka dhacayay dalka Peru, Mr Obama wuxuu sheegay in Trump uu siin doono fursad ah in uu kala shaqeeyo horumarinta siyaasadiisa.

Obama ayaa intaasi ku daray in ay qasab ku noqon doonto inuu hadlo hadii uu Madaxweynaha cusubi uu qaado tallabo khalkhal gelin karta xorriyadda asaasiga ah ee ka jirta Mareykanka.

Obama ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in culeyska iyo masuuliyadda uu leeyahay Xafiisku ay ku qasbi doonaan madaxweynaha cusub in uu wax ka bedalo siyaasadiisa.

Trump ayaa xiligii ololihiisa sheegay in uu meesha ka saari doono heshiisyo badan oo u kamid yahay Heshiiska ganacsi ee ka dhexeeya dalalka ku yaalla badweynta Pacfic-ka, Balse Obama ayaa balan qaaday in uu ka hortagi doono arintaasi.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM