Obama oo ka noqdey danjirihii uu usoo magacaabey Somalia

Image

May 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka noqdey go'aankii uu Katherine Simonds Dhanani ugu soo magacaabey danjiraha cusub ee Maraykanka u joogi doonta dalka Soomaaliya.

Go'aanka Obama ayaa yimid maalmo kaddib markii uu Aqalka Odayaasha u gudbiyey magacaabista Dhanani, si ay u ansixiyaan amase u diidaan.

Af-hayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in go'aanka Madaxweyne Obama dib ugula noqdey danjirihii uu usoo magacaabay Soomaaliya uusan ahayn mid dhankiisa ka yimi, balse  Katherine Dhanani ay ka cudur daaratey xilkaas oo sida ay sheegtay markii horeba aan lagala tashan.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Obama muddo kooban gudaheed kusoo magacaabi doono qofka lagu beddelayo Dhanani.

February 25, 2015 ayey ahayd markii war-saxaafadeed kasoo baxay aqalka cad lagu shaaciyey in Madaxweyne Barack Obama safiirka cusub ee Maraykanka u fadhin doona Soomaaliya usoo magacaabay Katherine S. Dhanani. 

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry ayaa todobaadkii hore booqasho taariikhi ah oo aan horay loo shaacin kusoo gaarey Soomaaliya. Kerry ayaa noqdey mas'uulkii ugu horreeyey ee xil sare ka haya Maraykanka ee muddo labaatan sano ka badan booqasho ku yimaada Soomaaliya.

Muddadii koobnayd ee Muqdisho uu ku sugnaa, wuxuu la kulmey madaxda Dowladda Federaalka, madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah federaalka iyo ururrada bulshada, wuxuuna sheegay in Maraykanku dib u furan doono safaaraddiisii Muqdisho xoojinna doono joogitaankiisa dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM