​Obama oo si buuxda u taageeray Hillary Clinton

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka ee xilku kasii dhammaanayo Brack Obama ayaa ka qayb galay shirweynaha xisbiga Dimuqraadiga dalkaasi uga socda Philadelphia, wuxuuna si buuxda u taageeray murashax xisbigaasi Hillary Clinton.

Obama ayaa yiri,"Hillary Clinton waa qof degan oo dadka dhegaysata, qof kastana si ixtiraam leh ula dhaqanta si kasta oo duruufuhu u adag yihiin...waa qof aan hawl u taal ka harsan"

Wuxuu sheegay in xoghayihii hore Maraykanka Clinton ay tahay qofta kaliya ee suuragalin karta adeegyada uu doonayo muwaadin kasta oo reer Maraykan ah.

Habeenkii Tallaada ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii xisbigaasi si rasmi ah u doortay in Hillary Clinton noqoto qofta matalaysa doorashada sannadkan dalkaasi ka dhacaysa iyadoo loollan adag la gali doonta ninka kasocda xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM