​Obama oo u jawaabay Donald Trump

Image

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horraysay ka hadlay eedo is xig xigay oo u jeediyay murashaxa Xisbiga jamhuuriga Donald Trump, kaasoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay siyaasadda, sugidda amniga shacabka iyo waxka qabashada falalka islaamka xagjirka ah.

Barack  Obama, ayaa sheegay in siysaadda murashaxaasi tahay mid qaldan islamarkaana aanay wax micno ah samaynayn hadallada uu warbaahinta marinayo.

Wuxuu sheegay in weerarada kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish ku doonayso qaabkii ay isugu diri lahayd muslimiinta iyo dalka Maraykanka.

Labada nin ayaan aragti  ahaan aad u kala fog, waxaana dhawaan madaxweyne Obama taageeray murashaxa xisbiga Dimuqraadiga Henlry Clinton isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay gaartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM