Pakistan: Sagaal qof oo time-jare ahaa oo toogasho lagu dilay

Image
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan oo dhacay aroortii hore ee Khamiista maanta ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley ayaa todobo qof oo timo-jare ahaa ku dishay guri ku yaal gobol dhaca koonfur-galbeed Pakistan, sidda ay sheegeen booliiska iyo sarkaal ka tirsan dowladda.

Dilka ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay meel u dhow magaalada dekedda leh ee Gwadar ee gobolka Balochistan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Mohsin Ali.

Dhammaan timo-jareyaashu waxay ka yimaadeen gobolka Punjab wayna wada noolaayeen oo wada shaqayn jireen. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda.

Kooxaha gooni u goosadka ah ee Balochistan ayaa inta badan dilayay shaqaalaha iyo dad kale oo ka soo jeeda Punjab, taasi oo qayb ka ah olole ay ku doonayaan inay isaga baxaan gobolkaasi.

Dowladda dhexe ee Pakistan ayaa shaaca waxa ay ka qaadey inay damisay kacdoonkii gooni u goosadka, balse rabshadaha gobolka ayaa weli socda taas oo beenisay hadalka xukuumadda.

Bishii hore, ciidamada xoreynta Balochistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sagaal qof oo ka soo jeeda gobolka Punjab, kuwaas oo laga soo afduubay bas marayey waddo weyn oo ku taal Balochistan, iyagoo sheegay inay hayaan xog ku saabsan in basaasiin ay saarnaayeen baska.

Bishii Janaayo, rag hubaysan ayaa lix timo-jare ah ku dilay goob ay hore ugu sugnaayeen maleyshiyaadka Taliban Pakistan oo ku taalla waqooyi-galbeed ee dalkaas oo u dhow xadka Afgaanistaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM