Pakistan: weerar lagu qaadey masjid ku yaalla Peshawar

Image

February 14, 2015 (GO)- Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku geeriyoodey in ka badan lixdan qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax shalay oo Jimce ahayd ka dhacay masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Saraakiil u hadlay laamaha ammaanka dalkaas ayaa sheegay in weerarka oo ismiidaamin ahaa ay fuliyeen afar nin oo walxaha qarxa isku soo xirey.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmey ayaa dhammaantood ah kuwii masjidka la weeraray ku cibaadeysanayey, waxaana mas'uuliyadda weerarka sheegtay ururka Taliban.

January 31 ayey ahayd markii weerar caynkan oo kale ah lala beegsadey masjid dadka Shiicada ahi leeyihiin oo ku yaalla magaalada Shikarpur ee dhacda koonfurta dalka Pakistan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore, markaasoo militeriga Pakistan sameeyeen hawlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Taliban.

GAROWE ONLINE + Al Jazeera

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM