​Pakistan: Xuska maalinta Jacaylka oo la diiday

Image

Madaxweynaha dalka Pakistan, Mamnoon Hussain, ayaa shacabka waddankaasi uga digay inay xusaan maalinta jacaylka "Valentine day" oo ku beegan 14ka February (Axada beri ah), isagoo sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn dalkiisa ama dhaqanka Islaamka. 

Mamnoon ayaa hadalkan jeediyay maalin ka dib markii uu maamulka degmada Kohat ee Waqooti Galbeed Pakistan mamnuucay iibinta ubaxa ama dharka loogu dabaaldego Valentine. 

Sidoo kale maamulka magaalada Peshawar ayaa Jimcihii shalay ahaa gaaray go’aan uu ku mamnuucayo u dabaaldega maalinta jaceylka, asaga oo ku tilmaamay “maalin bilaa micna ah”. 

Warar aan helayno ayaa sheegaya in go'aankan markii dambe ka laabteey mas'uuliyiin katirsan labada gole ee dowladda waddankaas, waxaana ka noqoshada tallaabdaasi loo aaneeyay cadaadis iyo mucaaradad kaga timi bulshada qaybaheeda kala duwan. 

14 February, waxaa inta badan caalamka laga sameyaa dabaal dagyo ay dhigaan dad u badan dhalinyaro kuwaas oo soo qaata ubaxyo kuna soo labista dhar cas-cas iyagoo isugu yimaada goobo fagaaro ah ubaxyana is gudoonsiiya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM