​Pakistan: Xuska maalinta Jacaylka oo la diiday

Image

Madaxweynaha dalka Pakistan, Mamnoon Hussain, ayaa shacabka waddankaasi uga digay inay xusaan maalinta jacaylka "Valentine day" oo ku beegan 14ka February (Axada beri ah), isagoo sheegay inaysan wax xiriir ah la lahayn dalkiisa ama dhaqanka Islaamka. 

Mamnoon ayaa hadalkan jeediyay maalin ka dib markii uu maamulka degmada Kohat ee Waqooti Galbeed Pakistan mamnuucay iibinta ubaxa ama dharka loogu dabaaldego Valentine. 

Sidoo kale maamulka magaalada Peshawar ayaa Jimcihii shalay ahaa gaaray go’aan uu ku mamnuucayo u dabaaldega maalinta jaceylka, asaga oo ku tilmaamay “maalin bilaa micna ah”. 

Warar aan helayno ayaa sheegaya in go'aankan markii dambe ka laabteey mas'uuliyiin katirsan labada gole ee dowladda waddankaas, waxaana ka noqoshada tallaabdaasi loo aaneeyay cadaadis iyo mucaaradad kaga timi bulshada qaybaheeda kala duwan. 

14 February, waxaa inta badan caalamka laga sameyaa dabaal dagyo ay dhigaan dad u badan dhalinyaro kuwaas oo soo qaata ubaxyo kuna soo labista dhar cas-cas iyagoo isugu yimaada goobo fagaaro ah ubaxyana is gudoonsiiya. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM