​Philippine oo dhaawacday Sarkaal 5 Milyan lagu raadinayay

Image

Dowladda Philippine ayaa sheegtay in weerar cirka ah ay ku dhaawacday hogaamiye sare oo katirsana Daacish, kaasi oo Mareykanka madaxiisa dul-dhigay lacag dhan 5 million oo Doolar.

Isnilon Hapilon oo 50 jir ah, ayaa ku dhaawacmay duqeyn ciidamada Cirka dalkaas ay ka fuliyeen degmada Butig, oo 80KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada caasimada ah ee Manila.

Dowladda Philippine ayaa sheegtay Isnilon Hapilon, uu kasoo gaarey weerarka dhaawac culus, islamarkaana ay ciidamada dhulka dalkaasi ay ku raadjoogaan, si ay gacanta ugu soo dhigaan.

Isnilon Hapilon, ayaa dowladda Mareykanka waxay ku dartay liiska Argagaxisada, waxaana la dul-dhigay lacag tiro badan kadib markii uu 2001 afduub ugu geestay galbeedka dalkaasi 3 Dalxiisiyaal American ah.

Hapilon, wuxuu kamid yahay hogaamiyaasha ugu sareeya Ururka Abu Sayyaf,  oo dhawaan ku biiray Daacish, kadib markii uu kasoo baxay Al Qaeda oo mudo sanado ah kamid ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM