Pyongyang oo aan wali ka hadlin kulanka Trump iyo Kim Jong-un

Image

Pyongyang - Kuuriyada Koonfureed ayaan wali ka hadlin kulan la qorsheynayo in ay yeeshaan hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump ayaa aqbalay in uu ka qayb qaato kulankaasi balse ilaa haatan wax war ah lagama haya dhinaca Kuuriyada Woqooyi.

Aqbalaadda Trump kaddib waxaa soconayay xiriir diblomaasiyadeed oo u dhaxeeyay Kuuriyada Woqooyiga iyo dhiggeeda Koonfureed.

Warbaahinta Kuuriyaa Woqooyi wali ma aysan baahin warka ku saabsan kulankan la qorsheynayo in uu dhex maro Trump iyo Kim Jong-un.

Xukuumadda Seoul ayaa rumeysan in dhiggeeda Pyongyang ay taxaddar ku wajaheyso arrintani.

Dhanka kale, ergay ka socda Kuuriyada Koonfureed ayaa saraakiisha Shiinaha kala hadlay suurtagalnimada kulankaasi, waxa uuna berry oo talaada ah u ambabaxayaa dalka Ruushka.

Sarkaal kale oo ka socda isla Kuuriyada Koonfureed ayaa loo diray dalka Japan si uu madaxda dalkaasi ugala hadlo suurtagalnimada kulanka la qorsheynayo in ay yeeshaan Trump iyo madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM