Qalalaase ka dhacay Kulan Dadweyne oo ay Ilhan Omar Hoggaaminaysay

Image
Xiquuda Sawirka : Richard Tsong-Taatarii/Star Tribune/AP

MINNEAPOLIS — Kulan furan oo ay la yeelanaysay shacabka gobolka Minnesota, Xildhibaanad Ilhan Cumar, ayaa si lama filaan ah isu beddelay xaalad cabsi dhalisay, kadib markii nin ka mid ah dadka hoolka joogay uu si kedis ah ugu soo dhowaaday halkii ay ka khudbeyneysay, kuna buufiyey walax aan weli la aqoonsan waxay aheyd. 

Dhacdadu waxay timid kadib markii ay Ilham Cumar ugu yeertey in Madaxa Hay’adda Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, xilka iska casisho, isla markaana ay si adag u dhaliishay siyaasadaha la xiriira socdaalka iyo doorka hay’adaha amniga. Dadkii kulanka fadhiyay ayaa sacab ku muujiyay hadalkaas, balse jawiga ayaa mar qura is beddelay kadib markii ninkaasi ku soo ordey goobtii ay ka hadlaysay Xildhibaanadu.

Shaqaalaha iyo ilaalada amniga ayaa si degdeg ah u farageliyay dhacdaaan,  iyagoo ka saaray ninka hoolka, waxaana gacanta ku dhigay booliska. Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin waxa uu ahaa walxdaas uu buufiyey iyo in toos ah u gaareen Cumar, haddana waxaa la sheegay in ur xooggan uu ka dhashay falkaas, taasoo keentay in la hubiyo xaaladda caafimaad ee wakiilka aqalka Barlamanka Mareykanka.

Ilhan Omar, oo dib ugu soo laabatay masraxa, ayaa ku adkaysatay in aysan joojin doonin hadalkeeda, iyadoo dadka ku boorrisay in ay is dejiyaan oo ay sii wadaan kulanka. Waxay tilmaantay in cabsi gelinta iyo qalalaasuhu aysan beddeli doonin mowqifkeeda ama codkeeda ay ku diidan tahay talaabooyinkaan.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha kulanka ayaa falkaas cambaareeyay, iyagoo ku celiyay in doodaha siyaasadeed lagu xalliyo wada hadal iyo is- ixtiraam.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM