​Qarax 10 qof ku dilay dalka Ruushka

Image
Image
Image
Image

Weeraro xooggan ayaa ka dhacay dalka Ruushka gaar ahaan magaalada Labaad ee ugu weyn waddankaas, waxaana lasoo sheegayaa inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 ruux, halka dhaawacu gaarayo 50 kale.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray shacabka ku suganaa halka tareenada laga raaco ee lagu magacaabo Sennaya Square.

Khasaaraha ayaa ka dhashay qarax lagu aasay goobta laga raaco tareenada ee magaalada St. Petersburg.

Booliiska ayaa ku waramay inay goobtaas kasoo saareen qaraxyo kale oo lagu xiray boosteejada Teereenada iyagoo aan wali qarxin.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay arrinta, wuxuuna sheegay inay ogaanayaa cidda mas’uulka ka ah tallaabadan.

“Sababaha weli ma cadda, waana waqti hore weli in laga hadlo. Baaritaanka ayaa sheegi doono. Hase yeeshee, waa ay caddahay inaan eegi doonno wax walba, oo ay ku jiraan ficillo dambiyeed ama argagixisanimo,” Ayuu yiri Putin.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa maanta tagay St. Petersburg si uu uga hadlo madal sanadeed ay leeyihiin warbaahinta, oo ay soo agaasimeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo Kremlin-ka uu taageero.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM