​Qarax 9 qof ku dilay waddanka Ciraaq

Image

BAQDAAD, Ciraaq- Wararka laga helayo waddanka Ciraaq ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday goob ay joogeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaac.

Inta la xaqiijiyay, waxaa geeriyooday 7 qof halka 19 kale ku dhaawacmeen.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay weerarkaasi oo ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad ee caasumadda Ciraaq.

Hase ahaatee waxaa weerarada noocan oo kale ah inbadan geystay ururka ISIS kaas oo bartilmaameedsada deegaanada ay ku badan yihiin dadka shiicada ahi.

Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero ka helaya isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ayaa la dagaalamayey kooxda ISIS labadii sano ee ugu dambeeyey.

Magaalada Baqdaad ayaa muddooyinkii dambe daganayd kadib muddo ay la daalaa dhacaysay qaraxyo iyo weeraro joogta ah oo ay fulinayeen kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM