​Qarax 9 qof ku dilay waddanka Ciraaq

Image

BAQDAAD, Ciraaq- Wararka laga helayo waddanka Ciraaq ayaa sheegaya in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday goob ay joogeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaac.

Inta la xaqiijiyay, waxaa geeriyooday 7 qof halka 19 kale ku dhaawacmeen.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay weerarkaasi oo ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad ee caasumadda Ciraaq.

Hase ahaatee waxaa weerarada noocan oo kale ah inbadan geystay ururka ISIS kaas oo bartilmaameedsada deegaanada ay ku badan yihiin dadka shiicada ahi.

Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero ka helaya isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ayaa la dagaalamayey kooxda ISIS labadii sano ee ugu dambeeyey.

Magaalada Baqdaad ayaa muddooyinkii dambe daganayd kadib muddo ay la daalaa dhacaysay qaraxyo iyo weeraro joogta ah oo ay fulinayeen kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM