Qarax ka dhacay dalka Bahrain

Image

Qarax xooggan ayaa ka dhacay caasimadda dalka Bahrain ee Manama, kaasi oo lagu soo waramayo inuu sababay khasaarooyin kala duwan, sida ay Saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Bahrain ayaa cadaysay in qaraxa uu ka dhashay Bam la dhigay wado qarkeeda oo ku dhaw saldhig Boolis iyo xafiisyo dowladeed.

Dowladda Bahraini ayaa ku eedaysay qaraxa Koox Islaami ah oo gacan-saar la leh Iran, taasi oo qeyb ka ah qalalaasaha siyaasadeed iyo amni darrada dalkaasi ka jirta tan iyo 2011.

Dibaxbaxyo looga soo horjeedo dowladda Bahrain ayaa ka soconayo  dalkaasi kamid ah Wadamada Khaliijka mudo 5 sano ah, kuwaasi oo sii xoogeystay markii bishii lasoo dhaafay 3 nin oo shiico ah, oo lagu eedeeyay inay qarax ku dileen 3 Askari oo Boolis ah 2014.

Dowladda Iran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka ay wadaan, gaar ahaan dadka shiicada ah, oo doonayo inay afgenbiyaan Boqortooyada Sunniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM