Qarax ka dhacay dalka Ciraaq

Image

Ugu yaraan 4 ruux, ayaa ku dhintay, 14 kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay koonfur galbeed magaalada Baghdad, ee caasimada dalka Ciraaq.

Saraakiisha Booliska magaalada Baghdad ayaa cadeeyay in qaraxa uu ka dhacay xaafadda Bayaa, oo ay ku badan yihiin dadka shiicada ah, iyadoo bartilmaameedkuna ahaa xarun ay leedahay dowladda Ciraaq.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, oo la dhigay goob baabuurta la dhigto, oo ku taalla wado muhiim ah, oo ay adeegsadaan Mas'uuliyiinta dowladda, kuna dhaw Garoonka Diyaaradaha.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse inta badan qaraxyada ka dhacaya caasimada Ciraaq waxaa sheegta Ururka Daacish, oo iska difaacaya dagaal 4 bilood ka socda magaalada Mosul.

Ciidamada dowladda Ciraaq oo garab ka helaya xoogag shiico ah ayaa waxay howlgal wadajir ah kawadaan magaalooyinka ku dhaca waqooyiga dalkaasi oo gacanta ugu jiro Ururka Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM