​Qarax ka dhacay dalka Yemen oo 40 ruux dilay

Image

Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun millatari oo ku taalla magaalada koonfureed ee Cadan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Xarun tababar ama dhisme ay isticmaalayeen malayshiyo dawladda taageersan oo caan ah ayaa la bartilmaameed saday sida aya wararku sheegayaan.

Weerarkan ayaa ku soo aadana iyada oo bartanka lagaga jiro dagaallo hor leh oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Yemen ee 17-ka bilood jirsaday ee u dhaxeeya dawladda ay Sacuudigu taageerto iyo jabhadaha.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in in kabadan 6,600 oo ruux ay ku dhinteen dagaalkaas ayna u badan yihiin shacab.

Dad lagu qiyaasay 2.5 milyan oo ruux oo Yemeniyiin ah ayaa sidoo kale qaxay.

BBC

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM