​Qarax ka dhacay Istanbul dalka Turkiga

Image

ISTANBUL- Qarax xooggan ayaa ka dhacay dalka Turkiga gaar ahaan magalada Istanbul, waxaana warar hordhac ah oo warsidaha Garowe Online soo gaaraya sheegayaan inay dhinteen ku dhawaad 4 ruux halka dhaawacu gaarayo toboneeye kale.

Qarax ayaa ka dhacay goobta ugu weyn ee ay u dukaamaysi tagaan dalxiisayaasha ku sugan magaalada ee ku taalla wadada Istiklal.

Koox hubeysan ee maleeshiyadda Kurdiyiinta ee TAK ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

TAK, oo ka go'day kooxda la mamnuucay ee Kurdiyiinta PKK, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay uu ahaa aargoosi ku aaddan howlgallada milateri ee uu Turkigu ka wado deegaanada ku badan yihiin Kuridiyiinta ee koonfur bari dalkaasi.

Sawirro laga soo qaaday magalada Istanbul ayaa muujinaya dad kala cararaya oo walaacsan, halka boolis iyo gawaarida gurmadka u degdegayaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Turkiga, balse laamaha amaanka ayaa durba goobta soo gaaray waxayna wadaan baaritaano xooggan.

Axaddii lasoo dhaafay ayaa qarax xooggan oo ka dhacay magalada Ankara, waxaa lagu dilay 37 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM